Maxamed Cabdiraxmaan Jaamac Luggooyo Aun. Muuqaalkan hoose waxa hubaal ah, inaad garatey codka hallaasiga ee dhegaha ka sameysanaya iney heellanaan ku aqbalaan. Balse, Ereyadda heerkaa gaadhsan runtii dadka in yar baa og abwaanka curintooda lagu ilhaamiyey. In wax loo ilhaamiyo ku af-gobaadsan maayee abwaankaa inoo caddeeyay, waana tan:- “•Waxaan ahay nin waayaha adduun, wax uga muuqdaan’e. •Waxyi iguma soo dego hadana, wax ima seegaane. •Nin wadiifad haystaa hadduu, wadi aqoon waayo. •Waqtiga uu jecelyaa kursiga, laga wareejaaye. •Wedna wuu jiraa xaal nafsina, weyska weheshaa." Bal ka rog oo haddana saar, haheey....waxaan filayaa mucjisadan qarsoon in aad rabto wax ka ogaato, Magac, mansab iyo mayalba haddaan isku daro, garan maayo xisaabta kasoo baxaysee aan kusoo koobo magaciisa oo Saddexan iyo naaneystiisa oo tixaysan; Abwaan Maxamed X. Cabdiraxmaan Jaamac (Luggooyo). "Aniggoo Luggooyo ah, waxaan lumiyo mooyee. Weligay libin igama helin, ruux I laasimay". Hadalkuba...
Hoyga Fanka Soomaalida.