Maxamed Cabdiraxmaan Jaamac Luggooyo Aun.
Muuqaalkan hoose waxa hubaal ah, inaad garatey codka hallaasiga ee dhegaha ka sameysanaya iney heellanaan ku aqbalaan. Balse, Ereyadda heerkaa gaadhsan runtii dadka in yar baa og abwaanka curintooda lagu ilhaamiyey. In wax loo ilhaamiyo ku af-gobaadsan maayee abwaankaa inoo caddeeyay, waana tan:-
“•Waxaan ahay nin waayaha adduun,
wax uga muuqdaan’e.
•Waxyi iguma soo dego hadana,
wax ima seegaane.
•Nin wadiifad haystaa hadduu, wadi aqoon waayo.
•Waqtiga uu jecelyaa kursiga, laga wareejaaye.
•Wedna wuu jiraa xaal nafsina, weyska weheshaa."
Bal ka rog oo haddana saar, haheey....waxaan filayaa mucjisadan qarsoon in aad rabto wax ka ogaato, Magac, mansab iyo mayalba haddaan isku daro, garan maayo xisaabta kasoo baxaysee aan kusoo koobo magaciisa oo Saddexan iyo naaneystiisa oo tixaysan; Abwaan Maxamed X. Cabdiraxmaan Jaamac (Luggooyo).
"Aniggoo Luggooyo ah, waxaan lumiyo mooyee.
Weligay libin igama helin, ruux I laasimay".
Hadalkuba yaanu kala go'ine, Luggooyo haddaad abwaannimo qudha ku taqaaney, waanad ogeyne Aqoonyahan, Sarkaal ciidan, siyaasi bulshaawi ah iyo halgamaa xaq u dirir ah inuu ahaana xisaabta ku darso. Waxa uu ka mid ah Aqoonyahankii seeska u dhigay manhajka waxbarashada Somaliland, mar uu ubadka oo wax la baro ka hadlayeyna waxa uu yidhi:-
•Dhalaanka aan quraankiyo, la barin
qaafka iyo miimka.
•Qusurkiyo hadaan looga digin, qawga iyo laagga.
•Waa qaafil sebiyee hadaan, waalid qaban qaabin.
•Oo aan qalooc iyo samaan, looba kala qaybin.
•Hadhawbaan la soo qaban karayn,
qaladkay geystaane.
•Maxaa loo qabsanayaa hadduu, qar iyo buur jiidho.
Ma sahlana in aad ka badbaado halista uu leeyahay Hungurigu{Damaca}Mayal-adag oo aad yeelato mooyee , haddii ay taasi dhacdana sharafta la sheegaa gacantaada ayey ku jirtaa iga qor. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa abwaan Luggooyo la weydiiyey sababta uu hanti uga dheefi waayey isaga oo ah qofka ugu dhaw ee saaxiibka la ah Madaxweyne Maxamed X Ibraahin Cigaal; waxa uu kaga jawaabay qiso dhex martay isaga iyo madaxweynaha , markaan soo koobanna waxa uu yidhi "Maalinta uu qaldan yahay madaxweynuhu ninka gartiisa u sheega ee uu aqbalaan ahayoo, Sharaftaas baan ilaalinayaa"
Bal aynnu murtidiisii kale ee miidda ahaa ee macaan ka yar muudsanno.
"waxba foox kama taro aakhiro
nimay faro ka yaaliine"
"Dab inuuu xanuun yahay
ninkii digo galuun baa og
In dareemo caws tahay
Horweyn lagu dabaalaa og
in uu deyn qadhaadh yahay
nin uu dumar ku yeeshaa og"
"Gaaxnuug afkaaga ku diley, eedna soo duwaye.
Mar haddii Awow lagu yidhaa, gawsna kugu oollin.
Awlaadso mooyee ma lihid, aayatiin kale’e.
Oday inamadiisii inkirey, lama ammaaneyne
Nimankaad indheergarad hurdiyo, eber ka soo qaaday.
Ma ogtahay Riyooliyo Xirsaa, kuu ardaa xiga’e
Iyaguna maqdaradii ilkaha, kuugu may imane
Af dhintoo af nool loo dilaa, waa Allow sahale
Waa xaajo uguboon la arag, Abadan Xaawaaye
Nin abaal ku taray kaama geyo, ereyga quudheede
Ma Amxaaradaa lagu gafaa, ubadka noo haysa?"
Hadal iyo dhamaan, waxa aan gunnaanadka idin la gaclooday inaan idin la wadaago gabay uu Soomaalida guud ahaan kula dardaarmay, waxa uu dheeg walba inaga tusayaa in aynu liidano oo bulsho noocan u dhaqmaysa aan la saadaalin karin cidhibteeda.
"Qarniyadan raggii jiray cidlay qulub la jiifane.
Waxay la qarwayaan laylka dhexe qaadan kari waaye.
Culimada qubta leh waano way nagala quusteene.
Dhaaxay abwaanadu qoreen sheeko qaaliya ehee.
Quruuntii lumaysaa nasteex ugama qaatane.
Qosol iyo waxa lagu dhoofayaa
qaadka iyo galabeede
Halkuu qaran jabkeenani ka yimi qiiqan dami waayay.
Mala qodaxda meel durugsan bay qaar ka filayaane.
Qolqolada guryahaa lagala yimi qaasinow cudure.
Dadkuba qaybo waa leeyahiyo qolo iyo reer reere.
Iglan iyo waxbaa kala qabsaday
qarankii Irlaand.
Qasaaraha dagaalkii ka dhacay qaan ma kala hayn.
Qiblada loo tukado rooma waa laysku qoonsadaye.
Hindiyana waxa loo kala qoqobay
amase loo qaybshay.
Khilaafkii ka dhacay diinta iyo qaar lo’ caabuda’e.
Waxa burundi laysugu qudh jarey qod iyo gaagaab.
Mandeelana waxa qoortiyo lugaha loo qasabadeeyey.
Qisaas aadmi muu galine waad qaar madaw dahaye.
Sidaasay u kala qaybsanayd taniyo qaabiile.
Qasaare iyo xumaan teenu way ka qoto dheerayd.
Haddii dhaqanka qalad kaaaga jiro
qabarkii weynaa.
Dhalaanka aan quraankiyo la barin
qaafka iyo miimka.
Qusurkiyo hadaan looga digin qawga iyo laaga.
Waa qaafil sebiyee hadaan waalid qaban qaabin.
Oo aan qalooc iyo samaan looba kala qaybin.
Hadhawbaan la soo qaban karayn
qaladkay geystaane.
Maxaa loo qabsanayaa hadduu qar iyo buur jiidho.
Qaylo iyo canaan kuma aflaxo qaankan korayaaye.
Miyuu inanku qayrkii ka hadhi waa la quudhsadaye.
Geedkii qaloocsamay intuu qaydhab yahay laanna.
Qodka leexdda waayada danbaa laga qarqooraa.
Dadkuna qoobadaas oo kaluu qayb ku leeyahaye.
Nin hadduu qambool iyo sarcado, quulle iyo jeerin.
Ilayn geed quwaax uma baxo qariyo saytuune.
Marka qoyska hoos laga dhisuu qaran hagaagaye.
Haddii meel saruun laga qabsado
waa qalfoof madhane.
Wax la qariyo qudhun baa ku jira
amase qiil dhaafe.
Qasaaraha dhabta ahi waa dadkoo
lagu qamaaraaye.
Sidii qarandidii yaan indhaha laysku soo qabane.
Qudun quuto kama liidano iyo haadka qaaq yidhiye.
Waxay ugxanta qararka u dhigtaa way qarsanayaane.
Jeer ay quweystaan afkay ugu qadhaabaane.
Inagana cidlay quban yihiin qanimadeeniiye.
Haddii aan waxuun lagu qayirin qaabka nolosheena.
Qarnigii dhamaadiyo ka xiga qaa’in iyo daa’in.
Qaddoodi iyo waa lama huraan qax iyo eeddaadi.
Comments
Post a Comment