Magacyada Roobka. Magacyada Roobka Kusoo dar Inta Ka Dhiman 118 Magac oo roobku keligii leeyahay Af Soomaaliga mooyee Afkale ma leh, aabbaha Afafka aadanaha Waa afkaaga Hooyo Ama Diid Ama Yeel . Bal eeg; Noocyada daruurta roobka: 1 Daruur 2 Heego 3 Hogol 4 Hanjalis 5 Waqal 6 Fad 7 Guulaamo 8 Marso 9 Biyo la roor 10 Jarar 11 Sagal 12 Yaare 13 Yal 14 Caad 15 Ceeryaan 16 Cirtoob 17 Wayle 18 Kaydaf 19 Cadar Xagaa 20 Garab 21 Gaadh Jaadadka Roobka 22 Mahiigaan 23 Miiraale 24 Mayey (aroor) 25 Moodaale (galab) 26 Gadiidaale (duhur) 27 Mayrac (fiid) 28 Mir (saqdhexe) 29 Jir (habeen) 30 Jirdagooye 31 Jigaanjig 32 Gudgude 33 Garamme 34 Geeldooje 35 Dhool 36 Dhaan negeeye 37 Dhibic 38 Johorad Noocyada roobku uu u da'o 39 Hoorrimaad 40 Mijo haadle 41 Caaro hoor 42 Burur 43 Daadmaris 44 Biyodhig 45 Qoordadab 46 Tumay 47 Tiix 48 Gebedh 49 Ururufo 50 Cadcadays 51 Joojoojis 52 Hubuc 53 Hugunbaadh 54 Helimaas 55 Hayeys 56 Habqam 57 Bushuq 58 Circadaadi 59 Dhalaal 60 W...
Hiilka Fanka Soomaalida. Sida aynnu ogsoonahay umad waliba waxa ay leedahay Fan Iyo Suugaan laga dheehdo umaddaa Afkeeda, Dhaqankeeda iyo Ilbaxnimadeedaba. Sidaasi darteed, haddii la iska dhex waayo ha yaraato ama ha badnaatee cid soo noolaysa iyo cid sii hirgelisa oo waajibkaa ka gudda umadda inteeda kale, waxa dhamaan laga sinnaanayaa guul-darrada, gefka iyo gunnimada arrintaa ka dhalata. Tani waa sababta mudnaanta gaar ah loo siiyo dadka u tafo-xaydta in sabanka la joogo isku taxalujiyaan iney gudaan waajibkaa culus. Soomaaliduna waa umad aan laga dhex waayi karin dadkaa aynnu soo sheegnay, waana Illaahay mahaddii. Haddaba, sida ay sheegaan dadka u Xog ogaalka ah Fanka iyo Suugaanta Soomaalidu waxa la isku raacsan yahay in jiraan laba xilli oo ahaa " GU'GII FANKA SOOMAALIDA " , xilliga koowaad waxa laga bilaabaa qarnigii 19aad illaa laga soo gaadhayo qarnigii 20aad; Marxaladda Labaadna waxa la keenaa wakhtigii Masraxa iyo Gobanimada midhaheeda loo heesayey illaa lag...