Skip to main content

Fanka Soomaalida

 Hiilka Fanka Soomaalida.

Sida aynnu ogsoonahay umad waliba waxa ay leedahay Fan Iyo Suugaan laga dheehdo umaddaa Afkeeda, Dhaqankeeda iyo Ilbaxnimadeedaba. Sidaasi darteed, haddii la iska dhex waayo ha yaraato ama ha badnaatee cid soo noolaysa iyo cid sii hirgelisa oo waajibkaa ka gudda umadda inteeda kale, waxa dhamaan laga sinnaanayaa guul-darrada, gefka iyo gunnimada arrintaa ka dhalata.


Tani waa sababta mudnaanta gaar ah loo siiyo dadka u tafo-xaydta in sabanka la joogo isku taxalujiyaan iney gudaan waajibkaa culus. Soomaaliduna waa umad aan laga dhex waayi karin dadkaa aynnu soo sheegnay, waana Illaahay mahaddii.


 Haddaba, sida ay sheegaan dadka u Xog ogaalka ah Fanka iyo Suugaanta Soomaalidu waxa la isku raacsan yahay in jiraan laba xilli oo ahaa " GU'GII FANKA SOOMAALIDA " , xilliga koowaad waxa laga bilaabaa qarnigii 19aad illaa laga soo gaadhayo qarnigii 20aad; Marxaladda Labaadna waxa la keenaa wakhtigii Masraxa iyo Gobanimada midhaheeda loo heesayey illaa laga soo gaadho burburkii Jamhuuriyadda.


Labadaa marxaladood haddii aynnu ta hore kasoo gudubno kala gedisnaanta duruufaha nololeed awgeed, bal maxaa intaa kadib dhacay?


Waxa mar keliya laga hoos baxay Xukun aan markiisa horena aan la door-bideyn, markiisii dambena aan laguba tallo-gelin in sidaa fudud loo hirdinayo. Naxdin iyo farxad wada socda darteed nin kastaa wuxuu ka baxay faryaro bidix, waxa la waayey qof gadaal soo fiiriya.


Suugaantii lagu dhigan jirey Dugsiyada fasalada dhexe laga bilaabo illaa fasalada ugu sareeya, waxa loo badelay Maaddo ay maalgeliso Hay'add shisheeye oo la yidhaahdo "Afsoomaali" oo aanan illaa hadeer garan sababta Soomaali loogu barayo Afsoomaaliga. 


Niyad-jabkaa weyn kadib, waxa dugsiga Nuuradiin dib looga bilaabay Buuggii Suugaanta, oo intiisa iyo wakhtiga uu joogo Marka loo eego aniga ahaan iila muuqda Dheeman dhex taal dhagaxaan mad-madow kuuna soo celinaya Rajo dhow iyo nayaayiro.


Guntii iyo gebogebo, Faaladeydu ma aha fariin aan cid gaar ah ka sido, ama aan Dugsiga Nuuradiin ku xoodaaminayo xoolana kaga doonayo, balse fankiyo suugaanteenaa hiil u baahan.


Abdalle Ismail Safari

Hargeysa Somaliland.

2021

Comments